soomaali
Surah Al-Fatihah ( The Opening ) - Aya count 7
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ﰀ ﴿١﴾
Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.
ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ ﰁ ﴿٢﴾
Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha Caalamka ah (Koonka).
ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ﰂ ﴿٣﴾
Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
مَٰلِكِ يَوۡمِ ٱلدِّينِ ﰃ ﴿٤﴾
Ee hanta maalinta abaalmarinta (Qiyaamada).
إِيَّاكَ نَعۡبُدُ وَإِيَّاكَ نَسۡتَعِينُ ﰄ ﴿٥﴾
adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaana kaa kaalmo waydiisanaynaa (Eebow).
ٱهۡدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ ﰅ ﴿٦﴾
ee nagu hanuuni jidka toosan (Xaqa).
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِمۡ غَيۡرِ ٱلۡمَغۡضُوبِ عَلَيۡهِمۡ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ ﰆ ﴿٧﴾
Jidka kuwii aad unicmaysay eedan u cadhoonin dhuminna.