The best companion that never bores
Surah Al-Qamar ( The Moon )

soomaali

Surah Al-Qamar ( The Moon ) - Aya count 55

ٱقۡتَرَبَتِ ٱلسَّاعَةُ وَٱنشَقَّ ٱلۡقَمَرُ ﰀ ﴿١﴾

Waxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.

وَإِن يَرَوۡاْ ءَايَةٗ يُعۡرِضُواْ وَيَقُولُواْ سِحۡرٞ مُّسۡتَمِرّٞ ﰁ ﴿٢﴾

Hadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran.

وَكَذَّبُواْ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَهۡوَآءَهُمۡۚ وَكُلُّ أَمۡرٖ مُّسۡتَقِرّٞ ﰂ ﴿٣﴾

Way beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.

وَلَقَدۡ جَآءَهُم مِّنَ ٱلۡأَنۢبَآءِ مَا فِيهِ مُزۡدَجَرٌ ﰃ ﴿٤﴾

Waxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.

حِكۡمَةُۢ بَٰلِغَةٞۖ فَمَا تُغۡنِ ٱلنُّذُرُ ﰄ ﴿٥﴾

Waana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.

فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡۘ يَوۡمَ يَدۡعُ ٱلدَّاعِ إِلَىٰ شَيۡءٖ نُّكُرٍ ﰅ ﴿٦﴾

Ee iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.

خُشَّعًا أَبۡصَٰرُهُمۡ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ كَأَنَّهُمۡ جَرَادٞ مُّنتَشِرٞ ﰆ ﴿٧﴾

Aragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay.

مُّهۡطِعِينَ إِلَى ٱلدَّاعِۖ يَقُولُ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَسِرٞ ﰇ ﴿٨﴾

Iyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran.

۞ كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ فَكَذَّبُواْ عَبۡدَنَا وَقَالُواْ مَجۡنُونٞ وَٱزۡدُجِرَ ﰈ ﴿٩﴾

Waxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».

فَدَعَا رَبَّهُۥٓ أَنِّي مَغۡلُوبٞ فَٱنتَصِرۡ ﰉ ﴿١٠﴾

Eebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro.

فَفَتَحۡنَآ أَبۡوَٰبَ ٱلسَّمَآءِ بِمَآءٖ مُّنۡهَمِرٖ ﰊ ﴿١١﴾

Markaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay.

وَفَجَّرۡنَا ٱلۡأَرۡضَ عُيُونٗا فَٱلۡتَقَى ٱلۡمَآءُ عَلَىٰٓ أَمۡرٖ قَدۡ قُدِرَ ﰋ ﴿١٢﴾

Dhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.

وَحَمَلۡنَٰهُ عَلَىٰ ذَاتِ أَلۡوَٰحٖ وَدُسُرٖ ﰌ ﴿١٣﴾

Waxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh.

تَجۡرِي بِأَعۡيُنِنَا جَزَآءٗ لِّمَن كَانَ كُفِرَ ﰍ ﴿١٤﴾

Kuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday.

وَلَقَد تَّرَكۡنَٰهَآ ءَايَةٗ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ ﰎ ﴿١٥﴾

Waxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).

فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ﰏ ﴿١٦﴾

Seese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu.

وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ ﰐ ﴿١٧﴾

Waan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.

كَذَّبَتۡ عَادٞ فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ﰑ ﴿١٨﴾

Caadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii.

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ رِيحٗا صَرۡصَرٗا فِي يَوۡمِ نَحۡسٖ مُّسۡتَمِرّٖ ﰒ ﴿١٩﴾

Waxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah.

تَنزِعُ ٱلنَّاسَ كَأَنَّهُمۡ أَعۡجَازُ نَخۡلٖ مُّنقَعِرٖ ﰓ ﴿٢٠﴾

Oo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay.

فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ﰔ ﴿٢١﴾

Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.

وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ ﰕ ﴿٢٢﴾

Waxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.

كَذَّبَتۡ ثَمُودُ بِٱلنُّذُرِ ﰖ ﴿٢٣﴾

Waxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud.

فَقَالُوٓاْ أَبَشَرٗا مِّنَّا وَٰحِدٗا نَّتَّبِعُهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّفِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٍ ﰗ ﴿٢٤﴾

Waxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.

أَءُلۡقِيَ ٱلذِّكۡرُ عَلَيۡهِ مِنۢ بَيۡنِنَا بَلۡ هُوَ كَذَّابٌ أَشِرٞ ﰘ ﴿٢٥﴾

Ma isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah.

سَيَعۡلَمُونَ غَدٗا مَّنِ ٱلۡكَذَّابُ ٱلۡأَشِرُ ﰙ ﴿٢٦﴾

Way ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah.

إِنَّا مُرۡسِلُواْ ٱلنَّاقَةِ فِتۡنَةٗ لَّهُمۡ فَٱرۡتَقِبۡهُمۡ وَٱصۡطَبِرۡ ﰚ ﴿٢٧﴾

Hashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir.

وَنَبِّئۡهُمۡ أَنَّ ٱلۡمَآءَ قِسۡمَةُۢ بَيۡنَهُمۡۖ كُلُّ شِرۡبٖ مُّحۡتَضَرٞ ﰛ ﴿٢٨﴾

Una warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay.

فَنَادَوۡاْ صَاحِبَهُمۡ فَتَعَاطَىٰ فَعَقَرَ ﰜ ﴿٢٩﴾

Waxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.

فَكَيۡفَ كَانَ عَذَابِي وَنُذُرِ ﰝ ﴿٣٠﴾

Seese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ فَكَانُواْ كَهَشِيمِ ٱلۡمُحۡتَظِرِ ﰞ ﴿٣١﴾

Dhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.

وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ ﰟ ﴿٣٢﴾

Quraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.

كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطِۭ بِٱلنُّذُرِ ﰠ ﴿٣٣﴾

Way beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii.

إِنَّآ أَرۡسَلۡنَا عَلَيۡهِمۡ حَاصِبًا إِلَّآ ءَالَ لُوطٖۖ نَّجَّيۡنَٰهُم بِسَحَرٖ ﰡ ﴿٣٤﴾

Waxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah.

نِّعۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي مَن شَكَرَ ﰢ ﴿٣٥﴾

Nicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe).

وَلَقَدۡ أَنذَرَهُم بَطۡشَتَنَا فَتَمَارَوۡاْ بِٱلنُّذُرِ ﰣ ﴿٣٦﴾

Nabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas.

وَلَقَدۡ رَٰوَدُوهُ عَن ضَيۡفِهِۦ فَطَمَسۡنَآ أَعۡيُنَهُمۡ فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ ﰤ ﴿٣٧﴾

Waxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.

وَلَقَدۡ صَبَّحَهُم بُكۡرَةً عَذَابٞ مُّسۡتَقِرّٞ ﰥ ﴿٣٨﴾

Waxaa ku waabariistay caddibaad sugan.

فَذُوقُواْ عَذَابِي وَنُذُرِ ﰦ ﴿٣٩﴾

Waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.

وَلَقَدۡ يَسَّرۡنَا ٱلۡقُرۡءَانَ لِلذِّكۡرِ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ ﰧ ﴿٤٠﴾

Waan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.

وَلَقَدۡ جَآءَ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ ٱلنُّذُرُ ﰨ ﴿٤١﴾

Fircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid.

كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا كُلِّهَا فَأَخَذۡنَٰهُمۡ أَخۡذَ عَزِيزٖ مُّقۡتَدِرٍ ﰩ ﴿٤٢﴾

Wayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.

أَكُفَّارُكُمۡ خَيۡرٞ مِّنۡ أُوْلَٰٓئِكُمۡ أَمۡ لَكُم بَرَآءَةٞ فِي ٱلزُّبُرِ ﰪ ﴿٤٣﴾

Ma Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta.

أَمۡ يَقُولُونَ نَحۡنُ جَمِيعٞ مُّنتَصِرٞ ﰫ ﴿٤٤﴾

Mase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.

سَيُهۡزَمُ ٱلۡجَمۡعُ وَيُوَلُّونَ ٱلدُّبُرَ ﰬ ﴿٤٥﴾

Waa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.

بَلِ ٱلسَّاعَةُ مَوۡعِدُهُمۡ وَٱلسَّاعَةُ أَدۡهَىٰ وَأَمَرُّ ﰭ ﴿٤٦﴾

Saacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.

إِنَّ ٱلۡمُجۡرِمِينَ فِي ضَلَٰلٖ وَسُعُرٖ ﰮ ﴿٤٧﴾

Kuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin.

يَوۡمَ يُسۡحَبُونَ فِي ٱلنَّارِ عَلَىٰ وُجُوهِهِمۡ ذُوقُواْ مَسَّ سَقَرَ ﰯ ﴿٤٨﴾

(Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara.

إِنَّا كُلَّ شَيۡءٍ خَلَقۡنَٰهُ بِقَدَرٖ ﰰ ﴿٤٩﴾

Wax kasta waxaan ku abuurray qadar.

وَمَآ أَمۡرُنَآ إِلَّا وَٰحِدَةٞ كَلَمۡحِۭ بِٱلۡبَصَرِ ﰱ ﴿٥٠﴾

Amarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi.

وَلَقَدۡ أَهۡلَكۡنَآ أَشۡيَاعَكُمۡ فَهَلۡ مِن مُّدَّكِرٖ ﰲ ﴿٥١﴾

Dhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa.

وَكُلُّ شَيۡءٖ فَعَلُوهُ فِي ٱلزُّبُرِ ﰳ ﴿٥٢﴾

Wax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta.

وَكُلُّ صَغِيرٖ وَكَبِيرٖ مُّسۡتَطَرٌ ﰴ ﴿٥٣﴾

Wax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay.

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَنَهَرٖ ﰵ ﴿٥٤﴾

Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.

فِي مَقۡعَدِ صِدۡقٍ عِندَ مَلِيكٖ مُّقۡتَدِرِۭ ﰶ ﴿٥٥﴾

Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).