The best companion that never bores
Surah Al-Mursalat ( Those sent forth )

soomaali

Surah Al-Mursalat ( Those sent forth ) - Aya count 50

وَٱلۡمُرۡسَلَٰتِ عُرۡفٗا ﰀ ﴿١﴾

Waxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.

فَٱلۡعَٰصِفَٰتِ عَصۡفٗا ﰁ ﴿٢﴾

iyo Dabaysha sida daran u dhabata.

وَٱلنَّٰشِرَٰتِ نَشۡرٗا ﰂ ﴿٣﴾

Iyo Dabaysha roobka kicisa.

فَٱلۡفَٰرِقَٰتِ فَرۡقٗا ﰃ ﴿٤﴾

Iyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.

فَٱلۡمُلۡقِيَٰتِ ذِكۡرًا ﰄ ﴿٥﴾

iyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.

عُذۡرًا أَوۡ نُذۡرًا ﰅ ﴿٦﴾

Si Dadka loo waaniyo looguna digo.

إِنَّمَا تُوعَدُونَ لَوَٰقِعٞ ﰆ ﴿٧﴾

Ee waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.

فَإِذَا ٱلنُّجُومُ طُمِسَتۡ ﰇ ﴿٨﴾

Markase xiddiguhu Nuurku ka tago.

وَإِذَا ٱلسَّمَآءُ فُرِجَتۡ ﰈ ﴿٩﴾

Oo samadu Dildillaacdo.

وَإِذَا ٱلۡجِبَالُ نُسِفَتۡ ﰉ ﴿١٠﴾

Oo Buuraha la Rujiyo.

وَإِذَا ٱلرُّسُلُ أُقِّتَتۡ ﰊ ﴿١١﴾

Oo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).

لِأَيِّ يَوۡمٍ أُجِّلَتۡ ﰋ ﴿١٢﴾

Maalion wayn oo loo Qabtay Darteed.

لِيَوۡمِ ٱلۡفَصۡلِ ﰌ ﴿١٣﴾

In dadka la kala Bixiyo Dartiis.

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ﰍ ﴿١٤﴾

Maalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰎ ﴿١٥﴾

Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

أَلَمۡ نُهۡلِكِ ٱلۡأَوَّلِينَ ﰏ ﴿١٦﴾

Miyaannaan Halaagin Ummadihii hore.

ثُمَّ نُتۡبِعُهُمُ ٱلۡأٓخِرِينَ ﰐ ﴿١٧﴾

Haddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.

كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ ﰑ ﴿١٨﴾

Saasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰒ ﴿١٩﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

أَلَمۡ نَخۡلُقكُّم مِّن مَّآءٖ مَّهِينٖ ﰓ ﴿٢٠﴾

Miyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.

فَجَعَلۡنَٰهُ فِي قَرَارٖ مَّكِينٍ ﰔ ﴿٢١﴾

Markaasna yeellay meel ilaashan.

إِلَىٰ قَدَرٖ مَّعۡلُومٖ ﰕ ﴿٢٢﴾

Tan iyo Muddo la yaqaanno.

فَقَدَرۡنَا فَنِعۡمَ ٱلۡقَٰدِرُونَ ﰖ ﴿٢٣﴾

Annagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰗ ﴿٢٤﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

أَلَمۡ نَجۡعَلِ ٱلۡأَرۡضَ كِفَاتًا ﰘ ﴿٢٥﴾

Miyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.

أَحۡيَآءٗ وَأَمۡوَٰتٗا ﰙ ﴿٢٦﴾

Nolol iyo Geeriba.

وَجَعَلۡنَا فِيهَا رَوَٰسِيَ شَٰمِخَٰتٖ وَأَسۡقَيۡنَٰكُم مَّآءٗ فُرَاتٗا ﰚ ﴿٢٧﴾

Waxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰛ ﴿٢٨﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

ٱنطَلِقُوٓاْ إِلَىٰ مَا كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ ﰜ ﴿٢٩﴾

Aada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.

ٱنطَلِقُوٓاْ إِلَىٰ ظِلّٖ ذِي ثَلَٰثِ شُعَبٖ ﰝ ﴿٣٠﴾

Aada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.

لَّا ظَلِيلٖ وَلَا يُغۡنِي مِنَ ٱللَّهَبِ ﰞ ﴿٣١﴾

Oon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.

إِنَّهَا تَرۡمِي بِشَرَرٖ كَٱلۡقَصۡرِ ﰟ ﴿٣٢﴾

Waxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.

كَأَنَّهُۥ جِمَٰلَتٞ صُفۡرٞ ﰠ ﴿٣٣﴾

Ama aad Mooddo geel madaw ah.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰡ ﴿٣٤﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

هَٰذَا يَوۡمُ لَا يَنطِقُونَ ﰢ ﴿٣٥﴾

Taasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.

وَلَا يُؤۡذَنُ لَهُمۡ فَيَعۡتَذِرُونَ ﰣ ﴿٣٦﴾

Lamana idmo si Ay u cudurdaartaan.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰤ ﴿٣٧﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِۖ جَمَعۡنَٰكُمۡ وَٱلۡأَوَّلِينَ ﰥ ﴿٣٨﴾

Maalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.

فَإِن كَانَ لَكُمۡ كَيۡدٞ فَكِيدُونِ ﰦ ﴿٣٩﴾

Ee Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰧ ﴿٤٠﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي ظِلَٰلٖ وَعُيُونٖ ﰨ ﴿٤١﴾

Kuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;

وَفَوَٰكِهَ مِمَّا يَشۡتَهُونَ ﰩ ﴿٤٢﴾

(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.

كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ ﰪ ﴿٤٣﴾

Waxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ ﰫ ﴿٤٤﴾

Sasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰬ ﴿٤٥﴾

Halaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.

كُلُواْ وَتَمَتَّعُواْ قَلِيلًا إِنَّكُم مُّجۡرِمُونَ ﰭ ﴿٤٦﴾

(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰮ ﴿٤٧﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.

وَإِذَا قِيلَ لَهُمُ ٱرۡكَعُواْ لَا يَرۡكَعُونَ ﰯ ﴿٤٨﴾

Markii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.

وَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ ﰰ ﴿٤٩﴾

Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.

فَبِأَيِّ حَدِيثِۭ بَعۡدَهُۥ يُؤۡمِنُونَ ﰱ ﴿٥٠﴾

Hadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.