The best companion that never bores
Surah Al-Burooj ( The Big Stars )

soomaali

Surah Al-Burooj ( The Big Stars ) - Aya count 22

وَٱلسَّمَآءِ ذَاتِ ٱلۡبُرُوجِ ﰀ ﴿١﴾

Eebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).

وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡمَوۡعُودِ ﰁ ﴿٢﴾

Iyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).

وَشَاهِدٖ وَمَشۡهُودٖ ﰂ ﴿٣﴾

Iyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.

قُتِلَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡأُخۡدُودِ ﰃ ﴿٤﴾

Ee Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).

ٱلنَّارِ ذَاتِ ٱلۡوَقُودِ ﰄ ﴿٥﴾

Ee ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.

إِذۡ هُمۡ عَلَيۡهَا قُعُودٞ ﰅ ﴿٦﴾

Gaaladiina ay korfadiyeen Godka.

وَهُمۡ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ شُهُودٞ ﰆ ﴿٧﴾

iyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».

وَمَا نَقَمُواْ مِنۡهُمۡ إِلَّآ أَن يُؤۡمِنُواْ بِٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡحَمِيدِ ﰇ ﴿٨﴾

Waxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.

ٱلَّذِي لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ شَهِيدٌ ﰈ ﴿٩﴾

Ee leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.

إِنَّ ٱلَّذِينَ فَتَنُواْ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ وَٱلۡمُؤۡمِنَٰتِ ثُمَّ لَمۡ يَتُوبُواْ فَلَهُمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَ وَلَهُمۡ عَذَابُ ٱلۡحَرِيقِ ﰉ ﴿١٠﴾

Kuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّٰتٞ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ ذَٰلِكَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡكَبِيرُ ﰊ ﴿١١﴾

Kuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.

إِنَّ بَطۡشَ رَبِّكَ لَشَدِيدٌ ﰋ ﴿١٢﴾

Qabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.

إِنَّهُۥ هُوَ يُبۡدِئُ وَيُعِيدُ ﰌ ﴿١٣﴾

Eebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.

وَهُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلۡوَدُودُ ﰍ ﴿١٤﴾

Waana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).

ذُو ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡمَجِيدُ ﰎ ﴿١٥﴾

Carshiga sharafta lahna isagaa iska leh.

فَعَّالٞ لِّمَا يُرِيدُ ﰏ ﴿١٦﴾

Wuuna falaa wuxuu doono.

هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ ٱلۡجُنُودِ ﰐ ﴿١٧﴾

Ma ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).

فِرۡعَوۡنَ وَثَمُودَ ﰑ ﴿١٨﴾

Fircoon iyo Thamuud.

بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي تَكۡذِيبٖ ﰒ ﴿١٩﴾

Hase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).

وَٱللَّهُ مِن وَرَآئِهِم مُّحِيطُۢ ﰓ ﴿٢٠﴾

Eebana waa koobay (kamana baxsadaan).

بَلۡ هُوَ قُرۡءَانٞ مَّجِيدٞ ﰔ ﴿٢١﴾

Waase Quraan sharaf leh.

فِي لَوۡحٖ مَّحۡفُوظِۭ ﰕ ﴿٢٢﴾

Oo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).